Waa maxay hacking?


Hacking waa u dhicid habdhis kumputer iyadoo la dhaafayo waxkasta oo ilaaliya.
hacking waxay noqon kartaa mid lagula ogyahay marka aad samaynayso si loo baari habdhiska inuu leeyahay wax goldoloolooyin ah, waxay sidoo kale noqon kartaa mid aan fasax loo haysan ujeedka loo sameeyana ay tahay in qof ama shirkad macluumaadkeeda la gurto ama lala baxo.

Dadka Sameeya shaqada noocaas ah waxaa loogu yeeraa 'hackers' badanaana waa khuburo ku taqaqustay amaanka habdhisyada kumbuyuutaradda. Dadkaan ayaa adeegsada Softiweero loogu talagalay inay fududeeyaan u dhicista habdhisyadda. Dadka noocaan ah waxay u kala baxaan noocyo dhowr ah oo ka tarjumaya shaqadda ay qabtaan caadi ahaan iyo sida ay u qabtaa.

1. Koofiyad Madoow:
waa dadka u jabsada habdhisyada si ay u helaan wax shaqsiyadood waxayna u dhacaan si ay burburiyaan oo ay u xadaan wixii daato ku jirta.
2. Koofiyad cad
waa kuwa u jabiya habdhisyada kumbuyuutarada si ay u horumariyaan una hubiyaan dhanka amaanka habdhiska shirkaddaha waxaana marmarka qaarkood loogu yeeraa "jabsadayaasha anshaxan".
3. koofiyad dambas.
waa mid u dhexeeya labadaan nooc oo waxa ka suurtowda waxwalba waxaana laga yaabaa inuu si fudud ku galo danbiyo.

Intaas markaan ogaanay waxaan aad u jeclahay inaan taabto talaabooyinka la qaado si loogu dhaco habdhis ha ahaado mid laguu fasaxay ama ha ahaado mid aan laguu fasaxin inaba'e.

1. baar baaris
waxaa marka ugu horaysa la sameeyaa baaritaan la xiriira cida aad u dhacayso waxa ay tahay qalabka ay adeegsato, cidda qalabkaas ku shaqaysa iyo xog badan oo ku saabsan cidda aad danaynaysid inaad u dhacdi.

2. scanning
inaad martid networka qofka aad rabtid inaad u dhacdid adiga adiga oo xog badan ka ogaanaya habdhiska ay adeegsadaan iyo sida uu u shaqeeyo.

3. gelid
qaybtaan waa weerarka dhabta ah ee la rabo inaad ka geshid habdhiska meelaha uu ka liito ama ka daloolo adiga oo isku dayaya inaad is qariso.

4. haysasho
waxaa muhiim ah marka aad u dhacdid habdhiska inaad ku negaato adiga oo aan lagu dareemin oo ka guratid waxaad u baahantahay.

5.ka xuub siibasho
Talaabada ugu danbeysa waxaa weeeye inaad ka xuub siibatid habdhiska markaad ka qaadatid waxkasta oo aad uga baahnayd adiga oo aan lagu dareemin.

talaabooyinkaas waa kuwa muhiimka u ah inaad qaadid marka aad rabtid inaad u dhacdid computer.

waxaan wax ka qorayaa noocyada virus ka iyo sida loo sameeyo virus adigoon wax programming aqoon.

qormadaan waa qormo tijaabo ah haddii aad danaynaysid inaad baratid sida wax loo hack gareeyo fadlan hoos kusoo sheeg iyo Comments-ka



Comments

  1. i need to learn how to hack

    ReplyDelete
  2. Aad baan kuusoo dhoweynaynaa

    ReplyDelete
  3. Aad baan kuusoo dhoweynaynaa

    ReplyDelete
  4. As knowledge and experience, i want learn more about hacking

    ReplyDelete
  5. hacking waan rabaa inaan barto

    ReplyDelete
  6. I need to learn how to hack some thing can you teach me pleaze

    ReplyDelete
  7. I need to learn how to hack some thing can you teach me pleaze

    ReplyDelete

Post a Comment