Diyaaradii adduunka ugu weyneyd oo ku degtay Garoonka Perth

Diyaaradan oo lagu magacaabo AN-22 ayaa si tijaabo ah ugu degtay garaanka Perth ee dalka Australia.

Diyaaradaan ayaa waxaa la saadaalinayaa inay dhowr beri ku sugnaan doonto garoonka oo ay ka dib uga duuli doonto dalka Jarmalka si ay ugu degto tijaabadeeda labaad.

Diyaaradaan ayaa waxaa ay awood u leedahay inay qaado xaddi aad u badan oo ah xamuul.

Sikastaba diyaaradaan ayaa waxay fursad weyn u noqonaysaa in la soo saaro diyaarado qaadi kara xamuul aad u farabadan sida maraakiibta oo kale hal nar ah.

Comments