Maqaal Kooban: Gaas iyo Galan Midwalba Gar leh.

Sidii dhaqanka iyo caadada somalidu ahaan jiray marka laba ruux is qabtaan waa loo kala garqaadi jiray, gogol ayaa la iskugu keeni jiray kadibna waxaa la dhegeysan jiray mid walba iyo tabashadiisa,  marka intaas dhacdo ka dibna waxa la gaari jiray go'aan lagu kala saarayo labadaas ruux ee is hay. Waa sunne la soo tijaabiyey in labada ruux ee is hayaa midkood gar leeyahay oo "Gari laba nin kama wada Qosliso" balse siyaasada Puntland maanta ka taagan ee ay ku hardamayaan Dowlada iyo gudoomiyhii hore gobolka bari xukuumadii Faroole waxaad moodaa inay ka duwantahay qaabkaas aan horay usoo xusnay oo labada dhinacba uu midba gar leeyahay. Waxaase laga yaabaa inaad is weydiinayso waa maxay garta uu mid kastaahi leeyahay.

Gaas iyo Xukuukamadiisu Gar leh:

Gaas waa madaxweynaha rasmiga ah ee dowlada Puntland isaga ayaana masuul ka ah waxkasta oo ka dhacaya Puntland gudaheeda waxaana uu xaq u leeyahay in lagu ixtiraamo wax alaale iyo wixii uu go'aamiyo isla markaana loogu samro wixii qaladaad ah ee yar yar ee uu galo iyada oo la eegayo danta guud iyo xasiloonida gobolka.
Sidoo kale waxaa lama huraan ah in aan dowlada hub loo qaadan wixii tabasho ahna lagu gaaro iyada oo loo maro wadiiqooyinka siyaasadeed ee dunida casriga ah ay ku dhaqanto iyo habdhisyada lasoo tijaabiyey ee mucaaradnimada lagu guto. Khaladkaas Galan galay Gaas gar ku leh.

Galan iyo Ragiisu Gar leh:

Galan Markii uu duurka galayey waxbu tabanayey waxaana uu sheeganayey cadaalad daro iyo gabood fal siyaasadeed oo ay kula kacday xukuumada Gaas. inkastoo aan la xaqiijin karin sida wax uga jiraan sheegashadaas wuxuu xaq u lahaa in lala xaajoodo oo laga dhaahiyo waxa uu tabanayo lagana dhaadhiciyo inuusan dagaal iyo jamhadayn xal bidin ee uu xukuumada u hogaansamo wadda kastana loo maro sidii loo qancin lahaa maadaama uu yahay  muwaadin xaq u leh inuu ka hadlo masiirkiisa siyaasiga iyo qadiyadedba. Taasi ma dhicin oo waxa uu duurka wareegayey mudo dheer isaga oo intaas aruursaneyey ciidamo u badan jufadiisa. Khaladkaas Xukuumadu gashay Galan gar ku leh.

Doorkii Isimaddu Ma Muuqdo:

Mar haddii labada nin mid walbaahi gar leeyahay oo mid walbana ku adkaysanayo inuu fuliyo dantiisa qiimo kasta ha ugu kacdee waxaa loo baahnaa in la helo cidii kala dhexgali lahayd oo u noqon lahayd marjac ay u laabtaan, waa isimadda Puntland balse doorkoodii ma muuqdo.
Garan mayo inay sugayaan inta xabaddu afka kabaxayso oo birta la iska aslayo nabadana meel dheer laga baadi goobi doono iyo in ay kala kulmeen gardiido dhinacyada isku goodinaya. si kastaba ha ahaatee waa waajib in si degdeg ah loo arko doorkii isimadda iyo culimada Puntland.

Maxaa Xal Noqon Kara:

S
i looga hortago dhibaato dhacda waxa xalku iila muuqdaa in lakala fogeeyo ciidamada haatan isku ag dhow, Boqorada iyo isimadduna ay ku amraan labada nin inay si degdeg ah isku soo hor fariistaan oo ay gaaraan xal deg-deg ah. intaas haddii aan la helin waxaa fursad heli doona cadaawe kasta oo jecel jabka Reer Puntland. Waxaa sidoo kale noqon doonta wadda furmatay ku qaraabashada qabiilka iyo dagaalo beeleedyo lagu hoobto oo ka dilaaca geyiga Puntland.

Comments