Somaliya Xal Siyaasadeed Ma Loo Heli Karaa?

Siyaasadda madhalayska ah ee Somalia uma eka mid kasoo raynaysa waxaana moodaa marba marka ka danbaysa inay kasii darayso oo ay sii duukhayso.

Siyaasiyiintu uma muuqdaan kuwo aragti dheer iyo xirfad hogaamineed ku sifoobay waxayna u badanyihiin durbaan sidayaasha qabyaalada iyo calooshood u shaqaystayaal u adeega dowladaha shisheeye siiba kuwa deriska la ah Somalia oo dad badan oo siyaasada indha indheeya ay aaminsanyihiin inaysan ku farxayn dowladahaasi xasiloona ka hirgasha geyiga Somalidu degto.

Siyaasiyiinta qaar ayaa jira iyagu danta ugu weyn ee ay leeyihiin tahay uruursi dhaqaale iyo xoogaysi ay ka sameeyaan waqtiga ay xukunka joogaan oo maba jirto aragti intaas dhaafsiisan oo ay xambaarsanyihiin.

Marka taariikhda dib loo jaleeco marwalba dowladaha baaba'ay waxaa usoo bixi jiray halyey ama hogaamiye aragtidiisu ka durugsantahay dadka markaas geyiga ku nool isagoo u daadihin jiray meesha ay tahay inay higsadaan.

Ifafaale noocaas ah masoo muuqdo sababo dhowr ah awgood.

1. Qabiilka oo ka xoog weynaaday dareenkii qaranimo iyo wadaniuadeed.
2. Somalida oo shaki kala qabta isla markaana aan loo ogolaanayn qofka hogaamiyaha ah inuu xilkiisa u guto si waafaqsan shuruucda dalka u yaal balse loo eegayo cida markaasi uu kasoo jeedo.
3. Dhaqaalaha oo aad u diciifsan iyo dadka oo u badan danyarayaal aan ka fursanayn inay sameeyaan musuq maasuq ku salaysan eexasho iyo u iilasho xigtada iyo inta ku xeeran hogaamiyahaas.

Si loo helo Somalia cusub isla markaana loo unko wadaniyadii ku burburtay dagaaladii sokeeye waxaan laga fursanayn in dhalinyarada waxbaratay ay dardar geliyaan is dhexgalka iyo iskaashiga ka dhexeeya si ay usoo baxaan dad u diyaarsan hogaaminta wadankaan la dayacay.

Adigu ka dhalinyaro ahaan fikirkaaga oo saliim ah soo gudbi.

Comments