Waa sidee Jawiga caasimadda Puntland Caawe

Marka aad barxada booqatid waxaad ku arkaysaa dad farabadan oo aad u faraxsan qofkastana waxa uu kugu salaamayaa hambalyo guul baan gaarnay.

Waayeel iyo dhinyaro intuba waxay u muuqdaan kuwo maqsuud ka ah guusha ay Puntland ka gaartay ciyaarihii ka socday gobolka banaadir oo ay ku taalo caasimadda dalka ee Xamar.

Ka sokow farxadda iyo rayn raynta dadka wajiyadooda waxaad oa dheehan kartaa qanacsanaan iyo farxad ay ku faraxsanyihiin in caasinadii wadankooda oo nabad ah si xor ah loogu soo gaba gaheeyo koob i dhexeeya Somali oo dhan.

Arintaan waxay xusuustoodq dib u celisay dad 25 sanno aan tegin xamar oo ay ugu danbeysay iyada oo gubanaysa.

Ka sokow koobka ay qaaday Puntland waxaa loo badinayaa inay ku guulaysato sidaas si la mid ah , laacibka, qofka ugu goolal badan iyo weliba gool hayaha igu adag.

Aniga oo shaqsi ahaan ka faaiidaysanaya fursadaan waxaan hambalyo u dirayaa xulka Puntland, dadka reer Puntland iyo madaxda ciyaaraha iyo macalimiintooda.

Sidoo kale waxaan kal iyo laab ugu mahad celin shacabka gobolka banaadir oo muujiyey Somalinimo waafi ah iyo dadnimo dheeraad ah.

Waxaan ka tegi karin dhalonyaradii ku ciyaaraysay magaca gobolada kale ee dadaalka iyo kartida muujiyey oo ay ugu danbeeyeen  H/shabeelada dhexe iyo Jubbaland.

Waan guulaysanay dhamaanteen walaayaal aan gacmaha is qabsano.

Comments