Sidee loo adeegsadaa Windows Commandline (CMD) Q. 1aad

Asxaab badan ayaa isoo weydiisa sida aan ku bartay isticmaalka commandline ka oo aan si dhaqso ah wax ugu qabsado computerka markaas aan isticmaalayo.

waxay arkaan aniga oo adeegsanaya commands si aan u qabto howlo farabadan oo caadi ahaan qaadan lahaa waqti iyo baar baarid.

haddaba si aan dadka ugu faaiideeyo waxaan go'aan sadday inaan bilaabo qormooyin taxane noqonaya oo kuu faaiidayn doona barashada commandline ka.

haddii aadan horay u maqal commandline waa meel laga galo computerka adigoo isticmaalaya oo kali ah erayo ama commands.

si aad usoo kicisid raac talaabooyinkan.

1. ku qor halka wax laga baaro CMD

 




















2.ku dhufo si aad u furtid waxaa kuusoo baxaya khaanadaan




















3. waxaa jira commands badan oo aad adeegsan kartid waxaan maanta baran doonaa 5 ka mid ah
  • ls
  • dir
  • cls
  • help
  • exit
4. ls  waxa uu kuu suurto gelinayaa inaad eegtid waxa uu ka koobanyahay folderka markaas aad joogtid.
maadaama anigu aan ku dhex jiro folderka HP, haddii aan qoro ls waxaa iisoo baxaya dhamaan folders-ka iyo file sha ku dhex jira folderkaas.




















5. dir waa la mid oo ls waxay kasoo jeedaa dhank UNIX haddii ay kuu shaqayn weydo bedelkeeda waxaad isticmaashaa dir waana isku mid la soco. waxa kali ah ay ku kala duwanyihiin waa informationka mid walba ku siinayo.

6. cls waxaa loo adeegsadaa si aad u masaxdo wixii aad kusoo qortay khaanada madow command ga.
marka aad waqti adeegsato waxaa dhacaysa in shaashadu noqoto mid buuxda sidaa darteed waxaa loo adeegsadaa inaad ku tirtirto wixii aad soo qortay. marka aad enter taabatid ka dib waxay shaashadu ku noqonaysa sidii aad rabtay.

























7. help waa command kaa caawinaya inaad aragtid commands-ka aad isticmaalayso waxa ay yihiin iyo kuwa aad isticmaali karto.

8. haddii aad rabtid inaad ka baxdo daaqada maddow waxaad samayn kartaa inaad ku dhufato calaamada [X] ama waxaad si fudud ugu qori kartaa exit. si aad uga baxdo
 

 la soco qaybaha kale oo xiiso badan oo kaa dhigi doona qof aqoon dheeri ah u leh commandline-ka.

Pagekayga kusoo biir  @abdimallow
  

Comments