Dagaalka Gaalkacyo Waa Caqli Maran iyo Ceeb aduun

Waxaan ku noolnahay aduun talaabsaday oo dadyowgu u jihaysteen wax wada qabsi iyo u midoobid cadowgooda guud iyo midka gaar ahaaneedba.

Aduunkaas waxaa ceeb ku ah in dadka dal u wada dhashay si kastoy u kala mad-hab iyo midab duwanyihiin ay isku saqajaamaan balse ay hal il ah ku eegaan hareerahooda iyaga oo iska dhowraya tafaraaruq iyo kala irdhoobid.

Halkii inaga la inaga rabay isku tiirsanaan iyo is dugsi waxaa nasiib daro ah inaan caawe weli ku fekerayno maskax baaliyowday oo laga soo gudbay.

Waxaa wax lala yaabo ah dadkii waxbartay dumarkii iyo waxgaradkiiba inay u guntadeen sidii ay tolkood af iyo adinba ugu garab siin lahaayeen.

Waan naxay saaka markii aan warbaahinta ka akhriyey in gaalkacyo dagaal ka dhacay oo Puntland iyo Galmudug ay birta isku qaateen. Kama nixin qof gooni ah iyo dhinac aan taageerayey midna waxaanse aad uga naxay in xiligaan wiil Somaliyeed uu dhinto iyadoo aysan jirin dan qaran oo uu u adeegayo.

Waxaan aad uga naxay cadowga dhow iyo midka dheer ee qosolka la gadgadoomaya marka ay arkaan dhiiga kii ay ka cabsanayeen oo uu daadinayo walaalkiisii garabka siin lahaa.

Waxaa iisoo baxday inaysan inoo banaanayn inaan iska fadhino oo aan daawano waxa soomaaliya kasoo socda iyo halka ay ku hagayaan dantood eegtayaasha caqliga daran inta aan nafteena la inoogu imaan.

Waxaan dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay hurdada ka kacaan oo ay sameeyaan kacdoon wadanka lagu islaaxinayo dhiigba haku daatee.

Qadiyadaas haddii aynaan ka bilaabin wadankeena waxaa imaanaysa in mustaqbalkeenu uu ku dhamaado meel aan la saadaalin karin iyo eber iyo baabah.

Haddiise aynu sii hurudno waxaa soo ifbixi doona in dadkeena lagu baayaco suuqyada aduunka sidii xoolihii, aynuna sidii duurjoogtii ku danbayno deegaano yaryar oo wadankeena ka mid ah.

Comments