Madaxweyne Noocee ah Ayaan U Baahanahay Xiligaan?

Waqtiyo badan oo ina soo maran waxay ahaayeen khasaaro, waxayna ku idlaadeen rajo xumo, rag badan oo loo hanweynaana waxay iskugu soo biyo shubteen waxmatarayaal aan dalka iyo dantiisa midna ka talin karin.

Waxaa ina soo martay waqti aynu eegaynay qofka aan dooranayno qabiilkiisa iyo dhibaatooyinkii uu lasoo maray cida uu ku abtirsado inagoo amaan dusha ka huwin jirnay qof walba oo usoo halgamay qabiilkiisa haba dumiyo dalkee.

Waxaa loo gudbay xili kidkaas ka ladifan oo niman beesha caalamka la yiraahdo ay wadanka si buuxda gacanta ugu dhigeen iyaga oo cida ay rabaan jeebka kala soobaxaya. Arintaas beesha caalamku waxay yara qaboojisay kacsanaantii qabiilka ee waqtuyadii hore iyada oo abuurtay kooxo isku hunguri ah oo ku qaraabta magaca umada somaliyeed.

Taasi waxay dhashay in hantidii qaranka ay noqoto wax ku xeroota khasnado gaar ah iyadoo xitaa baadi goob loo galay sidii loosoo qaadan lahaa hantidii dowladii dhexe ka dhimatay ee wadamada shisheeye taalay.

Waxaa sidoo kale ka dhashay samaysanka maamulo aan caga badan ku taagnayn laakiin ujeedkoodu yahay in lagu carqaladeeyo siyaasada iyo awooda qaar ka mid ah maamulada wadanka.

Haddaba waxaa hubaal ah waa maxay shuruudaha aan ka rabno madaxweynaha aan dooranayno xiligaan.

Waxaa haboon inaan xaqiiqda la iska indho tirin oo aan wajahno walow ay mur ka kharaartahay. Waxaa caado noqotay qofka xilka doonaya in la eegayo maalka uu faraqa ku haysto iyo cisa soo sharaxatay.

Inaga oo taas ogsoon waxaan u baahanahay madaxweyne.

1. Karti leh
2. Dadka u dhex ah
3. Waaqiciga aan iska indha tirin
4. Aan ahayn camiil shisheeye
5. Dadku ay ku daydaan oo hogaamin wanaagsan.
6. Diidi kara damaca shisheeyaha.
7. Amar iyo nahyi labadaba leh
8. Caadil ah oo aan dadkiisa khiyaamin.

Haddii aanu helo inkastoo aysan weli ii muuqan saansaantaan ku dooran lahayn waxaan aaminsanahay in mudo kooban wadanku kusoo noqonayo sidii aan ku aqoon jirnay.

Fikirkaaga hoos ku dhiibo.

W/Q: Abdi mallow
Info@abdimallow.com
Social media
Twitter: @cmmalow
Facebook: @abdimallow

Comments