5 Waxyaalood oo Sidii La Filaayey aan u Dhicin 2016

1. Somalia iyo kenya oo isla tegey Maxkamada heeg

Waxaa muran badeed ka dhexeeyey Somalia iyo Kenya aawadeed la iskugu geeyey maxkamadda isku sheegta danbiyadda dagaalka caalamiga ah ee heeg. Inkastoo xamaasad badan dadku qabeen haddana wax natiijo ah oo kasoo baxday lama sheegin. Taasina waa la mood noqonse weyday.

2. Trump oo dunida Gilgilay

2016 waxay ahayd markii Trump uu xilka madaxweynaha dalka maraykanka afka qabsaday. Trump oo u muuqday inuu yahay Hitlerkii labaad ayaan ku kicin waxyaabihii laga filaayey. Lamoox

3. Dilkii Safiirkii Ruushka u fadhiyey Turkiga

Waxaa nin hubaysani si bareer ah ugu toogtay dalka Turkiga safiirkii dowlada Ruushka u fadhiyey Turkiga. Inkastoo laga filayey muslimiintu inay canbaareeyaan dilkaas haddana waxaa aduunka is qabsaday mashxarad iyo rayrayn. Taasina waa la mood noqonse weyday.

4. Joojinta Colaada Gaalkacyo

2016 tiro dhowr mar ah ayaa heshiis qodobo badan taabana lagu kala saxiixday magaalada Gaalkacyo si loogu joojiyo dhiig siyaalo kala duwan ugu daatay magaalada. Inkastoo heshiisku ahaa mid ay qodobo culculus ku jiraan haddana wax ka hirgalay ma jiraan. La mood noqonse weyday.

5. Khaatumo oo Soomaaliland ku Xiratay

Haddii aad maqli jirtay 2015 khaatumo oo Somaliland u dhaaranaysa. Dabayaaqadii sannadkaan waxaa dhacay in ay wadahadal la gasho walow ay u muuqatay mid waligeed ag marayn Somaliland. Taasina waa la mood noqonse weyday.

Comments