La Qabsiga Dadka Qaadan: Sidee Looga Gudbaa Caqabadaha Dadka.

dadka qaadan sawir

Waxaa hubaal ah oo aan muran ka taagnayn in qof walba oo inaga mid ah ay soo martay mar uu wajahay qof xiriir kala dhexeeyo balse aan la fahmi karin. Qofkaasi wuxuu noqon karaa shaqaale, saaxiib, qaraabo, madax iyo isku fasal qof aad tihiin intaba. Dadka noocaas ah waxaa ay kugu kalifaan mararka qaarkood inaad nacdid nolosha ama aad ka tagtid dantaada oo dhan iyaga dartood.

Aniga oo ka duulaya dhibaatada ay leeyihiin dadka noocaas ah qirsana mushkiladdaha ay abuuri karto haddii aan lala falgelin ayaan isku dayayaa inaan si kooban talooyin aan soo tijaabiyey kuula wadaago. Haddii aad talooyinkaan raacdid waxaa laga yaabaa inaad ka guulaysato dadkaas aan kor kusoo xusay.

1. Saaxiibka Qaadan
waxaa jira saaxiibo ay adagtahay inaad ka xiriir furato oo ama aad isku meel ku nooshihiin ama dan gaar ah idinka dhexayso balse aan ku haboonayn inoo noloshaaada la jaanqaado, Qofkaas oo kale sidee loola qabsadaa?
  • Saaxiibka qaadan waxa ay u badantahay inuu khalad kaa aaminsanyahay isku day inaad shaki saarto
  • Saaxiibka qaadan waxaa laga yaabaa inuu kuu haysto qof iskala weyn oo waxa uu dareemayaa ciriiri ee isku day inaad garabkaaga u raariciso.
  • Saaxiibka qaadan waxaa laga yaabaa inuu kugu tuhunsanyahay inaad naftaada kali ah aad u danayso ee isku day inaad daahfurnaato.
  • Saaxiibka qaadan waxaa laga yaabaa inuu kuu haysto ruux yasa ee isku day inaad dhiiri geliso,
intaas haddii aad ku dhaqaaqdo waxaa hubaal ah inaad kala nabad gelaysaan saaxiibka qaadan ee noloshaada ciriirka geliyey,

2. Lamaanaha Qaadan
Waxaa sidoo kale jira lamaane qaadan oo ay adagtahay inaad ka xiriir furato inaad ka dhex baxdo nolosha idinka dhexaysa ma ahane, Sidee loola qabsadaa lamaanaha qaadan.
  • Waxaa laga yaabaa lamaanaha qaadan inuu kugu tuhmayo xarig ka bood ee tuhunka ka saar adiga oo tusinaya sida saxda ah ee uu agtaada ka yahay.
  • Lamaanaha qaadan waxaa laga yaabaa in uu waraysto dad kale oo qaadan ee ka digtoonow iskuna day inaad dhadhansato waxa uu tabayo ee ka maqan
  • Lamaanaha qaadan waxa laga yaabaa inuu kugu burursanyahay adna aad mashquul kale ku jeedid waqtina uu kaa doonayo ee ku xisaabtan  midaas.
3. Madax Qaadan
Waxaa laga yaabaa inaad mar la shaqayso qof kaa sareeya oo qaadan iyagana raac talaabadaan si aad ula qabsatid.
  • Waxaa laga yaabaa madaxda qaadani inay kaa shakisanyihiin inaadan daacad u ahayn ee is caddee dhankaad ku tirsantahay
  • Waxaa laga yaabaa madaxda qaadan inay kugu tuhmayaan awood yari dhanka shaqada ah ee iyadana iska toosi.
  • Madaxda qaadan waxay kugu tuhmi karaan inaad tahay qof xawaarahooda ka dheereeyey oo iyaga ku ah weerar ee dib bal isku haki.
Si kastaba waxaa kusoo maraya intaad nooshahay dad qaadan oo noloshaada ciriir gelinaya haddaba sid aad ula dhaqanto dadkas una kala nabad gashaan waxan ku soo koobay shan qodob oo lagaga adkaan karo,

  • Dhegeyso dhibtooda oo isku day inaad fahanto
  • waxyaalaha ay gansanayaan ka wareeg oo dhan ka yara sahlan kaga imow
  • waqti sii ay ku gaaraan waxa ay tabanayaan
  • ma qancin kartid balse isku day inaad u muujisid inaad garabkooda tahay
  • ha raacin oo dhankooda ha u raacin hana soo jiidan ee isku day barta ay joogaan inaad kaga nabad gasho.


Comments