Sidee Ku Ogaan Kartaa inaad Ka Mid tahay Dadka Qaadan?


qof qaadan


Qormadii tan ka horeysay ee cinwaankeedu ahaa Laqabsiga Dadka Qaadan Waxaan ku sheegnay inay jiraan dad badan oo noloshaada ku dhow oo ay adagtahay inaad is fahantaan. Haddaba bal kawaran haddii aad adigu tahay qofka qaadan.

Waxaa jira astaamo lagu garto in qofku qaadanyahay oo aad naftaada ku ogaan kartid ama aad ku ogaan kartid asxaabtaada iyo dadka noloshaada kusoo biiri doona intaba.

Haddaba haddii aad astaamahaan ku aragtid naftaada ama asxaabtaada ogow inaa tahay qof qaadan oo la doonayo inaad naftaada daba qabatid dabeecadahaaga bulsheedna wax ka badashid.


1. Haddii aad dareentid madax wareer marka aad bulshada ku dhex jirtid siiba meelaha ay ka socdaan howla wadareedyadu waxaad tahay dadka qaadan mid ka mid ah.

2. Haddii aadan u bogin hab dhaqana dadka kale isla markaana ay kuula muuqdaan wax qariib ah waxaad ka mid tahay dadka qaadan.

3. Saamaaynta ficiladaadu haddii ay geystaan wixii aad ugu talagashay waxaan ahayn waxaad ka mid tahay dadka qaadan ee is daba qabo. Tusaale badanaa haddii kaftankaagu uu taabto meelo ka baxsan waxa markaas laga hadlayo waxaad tahay dadkaas qaadan mid ka mid ah.

4. Haddii marwalba dadka aad ka aamusto ama hadalkoodu uusan kugu socon oo aad dhibsatid ama aad ka aamustid waxaa tahay aabaha dadka qaadan.

5. Dadka kale haddii ay kaa cararaan inay wax kugu darsadaan ama ayba ka baqaan inay kusoo faragashadaan waxaa tahay dadka qaadan mid ka mid ah.

6. Haddii xiriirka bulshada kale aad la leedahay uusan macne weyn kuugu fadhiyin waxaad tahay dadka qaadan midka ugu qaadan,

7. Waxaad aad u jeceshahay inaad sawiro farabadan iska qaadid marwalba waad qaadantahay is daba qabo.

la soco qormada danbe oo aan ku taabanayo sida looga baxo qaadanaanta intiina isku aragtay.

haddii aad doonaysid inaad ila soo xiriirtid hoos kusoo qor faaladda waan kuusoo jawaabi doonaa.

Comments

Post a Comment