Sidee uga Faaiidaysan Kartaa Ramadaankan

Marka bisha barakaysan ay bilato dad badan ayaa farxa oo si xad dhaaf ah u dareema inay nasiib u yeesheen inay ka mid noqdaan dadka sannadkaas soomaya. Waxaa sidoo kale jira dad aan ka faaiidaysanayn oo iyana ay dhaafayso,

Si haddaba aad u noqotid ruux ka faaiidaysta fadliga iyo khayraadka faraha badan ee ku jira bishan waxaan kuusoo bandhigayaa dhowr qodob oo muhiim ah oo ay tahay inaad samaysid.

1. Ka dhig ramadaankan inuu yahay kii kuugu danbeeyey ee kusoo mara


maadaama naftu aysan meel jirin waxaa lagama maarmaan ah inaad kasoo qaadid in ramadaankan uu yahay kii ugu danbeeyey oo kusoo mara adiga oo rajada iyo naxariista eebe aan ka quusanayna ay mudan tahay inaad ka faaiidaysato,

2. U degso himilooyin aad rabtid inaad gaartid ramadanka 


Waxkasta waxay ku qurux badanyihiin in qorshe laga yeesho iyada oo Allah la talo saarsanayo sidaa darteed qorshayso sidaad ramadaank ku dhamaysan lahayd adiga oo dib u fiirinaya qorshayaashaadii hore ama kuwii aad asxaabtaada kaga dayan jirtay sida ciyaaraha maalaayacniga ah, kaftanka iyo bardoodanka fiidkii ah iyo isticmaalka badan ee baraha bulshada.

sii akri sidee facebook iskaga dhaafaa?

3. Iska ilaali waxyaalaha ku mashquulin kara 


Waxyaalaha aan kor kusoo xusnay waxay ka mid yihiin waxyaalaha dadka ka shuqliya cibaadaadka iyo khayraadka sidaa darteed ka dheerow intii aad awoodo.


4. Dadka baahan wax u taag


Dadk baahan oo aad bishaas ramadaan quudisaa waxay kuu tahay fursad qaali ah ee ka faaiidayso fadlan


5. Tobanka beri ee ugu danbeeya u xirxiro dagaalka nafta 


kusii baraaruji naftaada, ehelkaaga iyo asxaabtaada inay u diyaar garoobaan cibaadada tobanka maalmood ee ugu danbaysa.


Comments