Sideen Iskaga Jari Karaa Isticmaalka Facebook bisha Ramadaan?

Haddii aad doonayso inaad iska yaraysid ama aad gebi ahaanba iska jartid isticmaalka warbaahinta bulshada gaar ahaan isticmaalka facebook waxaan kuu hayaa dhowr talaabo oo aan rajaynayo inay ku caawin doonaan.

1. Iska saar dhamaan applications-ka Xiriirka Bulshada


Si aad uga nabad gasho aaladaha xiriirka bulshada dhamaantood ka saar moobeelkaaga gacanta kuna adkayso inaadan ku shubin inta uu ka dhamaanayo ramadaanku.

2. Taraawiixda tuko oo ha goyn habeenna


Waxaa dadku aad u isticmaalaan aaladahan xiliga dadku ay afuraan sidaa darteed masaajidka horay kasii aad si aad iskaga yarayso ama aadan waqtiba u helin oo cibaado u gelisid waqtigaaga.

3. Quraanka


Ku shubo quraanka oo dhegeysi ah si aad u daarato marka aad dareento in wax kaa maqanyihiin ama aad u hilowdo aaladaha wax laga xiriiriyo.


4. fiid hore seexo si gelinka danbe aad ugu soo jeedo digriga iyo suxuurta


5. Ha u ogolaan marna in shaydaan been kuu sheego oo kugu soo celiyo inaad dhex joogtid facebook

6. Ka ducayso oo in ilaahay qalbigaaga ka nadiifiyo hamiga iyo xusniga ay keento ka maqnaanshaha adeegyadaan.

7. Internetka iska ka xir in la booqan karo aaladahan waa haddii aadan si kale uga maarmi karin


Talooyin kookooban oo ku saabsan: Sidee uga Faaiidaysan Kartaa Ramadaankan

Wixii kale ee talo ah iigu soo hagaaji
xamdani2@gmail.com

waan soo daabicin Insha Allah

Comments