Han shacab iyo howlo qaran: Maxaa farmaajo Horyaala.

Markii lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay  xilka madaxweyna Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waxaa isqabsaday meelkasta oo Somali joogto alalaas iyo mashxarad ay ku dheehantahay farxad lagu soo dhoweynayo doorashada Farmaajo.

Inkastoo dad badan shaki weyn ka qabeen doorashada dalka ka dhacaysa iyo fursada uu kusoo bixi karo Farmaajo oo laga dhigayey mid aad u yar balse taasi beenowday markii  wareega labaad la gaaray codkuna u batay mudane Farmaajo.

Waxaa jiray himilooyin shacabku ay wadnaha ku haysteen kuwaas oo aan la hubin wax ka suurto gelaya.

Shacabka Soomaaliyeed dhammaantood waxay ku han weynaayeen inay heli doonaan qaranimadii mudo baadi goobka loogu jiray iyagoo fahansan in mudane Farmaajo wax badan u tari doono. Waxaana ayaamahii la doortay meel kasta ka yeertay in Farmaajo yahay mid ummadan loogu soo diray inuu dhibta ka saaro.

Dadkaas Soomaaliyeed dan la'aan uguma aysan sacab tumin Farmaajo basle waxaa jira himilooyin ay higsanayaan qof kasta oo aad la haddashana waxaad ka dheehanaysa inuu Farmaajo ku taageeray oo qura inuu wadankiisa wax u qaban karo.

Haddaba waa maxay himilooyinka shacab ee dadku ay ka sugayaan Farmaajo:

1. Mideynta ummadda Soomaaliyeed - waa himilada koobaad ee dadku ay fsrmaajo ka dhowrayaan haddiise uu ku fashilmo waxay u qaadan doonaan inuusan waxba kusoo kordhin shacabkii awalba kala xirxirnaa!

2. Ilaalinta qaranimadda - Waxyaalaha farmaajo guushu ku raacday waxaa ka mid ah inui ahaa ruuxa la is leeyahay was ugu wadanisan yahay ragii sharaxnaa ama hoosta kama wato dal gooni ah oo dan ka leh khayraadka iyo istaraatijiyadda wadankan halalaysan, haddii uu ka gaabiyo himiladaasna waxaa la aamini doonaa inuusan waxba dhaamin kuwii laga cararay.

3. Horumarinta waddanka - farmaajo waxaa lagu doortay oo dadku ku jeclaadeen inuu yahay nin wadankiisa jecel kana maran musuq iyo qabyaalad taasina ay keeni karto in wadanka koboc dhaqaale ku yimaado haddiise uu ku fashilmo arintaas waa dhibaato baaxad leh.

4. Danta dhalinyaradda - Dadka ugu badan ee taageersan Farmaajo waa dhallinyaro kala joogta gobolo badan oo aaminsan in Farmaajo uu qaban karo waxa ka maqan ee ay caddaaladu ugu horayso iyo shaqo abuurku. Haddiise uu ku fashilmo maxaad ka filaysaan?

5. Hagar daamada deriska - farmaajo waxaa aad loogu jeclaaday inuusan xiriir weyn la lahayn dowladaha deriska taasna waxay suurto gelin kartaa Soomaali xor ah oo cagaheeda isku taagta haddiise uu ku fashilmo waxay ka dhigantahay inuu qaado waddadii qodxaha lahayd ee ragii ka horeeyey ku carraabeen.

Qodobadaas aan kor kusoo xusnay waa waxyaalaha guusha farmaajo meesha sare gaarsiiyey kana dhigay mid lagu xisaabtamo haddiise uu kasoo bixi waayo maxaad aaminsantahay inay dhacayaan?

Faallo ka dhiibo adigoo mahadsan. 

Comments