Tacadiga Xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya

Tan iyo markii uu dalkeenu galay dagaalka sokeeye waxaa ka dhacay tacadiyo aad u badan kuwaas oo si aan kala sooc lahayn loogu geystey cid walba oo ku dhaqanayd wadanka.
Tacadiyadaas ka dhacay wadankeena cidi kama badbaadin haba ugu darnaadeen dadka nugulka ah iyo dadkii la oran jiray biri mageydada. Waxaa naftooda la dhaafiyey dad badan waxaana si sharci daro ah lagu qaatay xoolihii dowladda iyo kuwii dad weynaha intaba. Waxaa faraxumayn loo geystay kumanaan gabdhoob oo sabi iyo wayeelba iskugu jira iyadoo qaarna silic loo dilay qaarna ay urugtii iyo murugaddii ay ka qaadeen.
Marka ay tanoo kale dhacdo wadankana la doonayo in uu dib u kabto waxaa lagama maarmaan ah in il gooni ah lagu eego dhibaatooyinkii la soo maray sidii lagu daweyn lahaa uur ku taaladaasna loo sameeyo habraacyo qeexan.
Is bedelka ka dhacay wadanka iyo rajadda soo iftiintay dhamays noqon mayso haddii aan la helin caddaalad dhammaystiran oo ka hirgasha wadanka gacan bir ahna lagu qaban kuwa caadeystay gabood falka masaakiinta iyo ku tacaddiga bulshadda qaybaheeda kala duwan.
Gabood falladii hore haddii aan laga dabo tegin lagana xisaabtamin kuwa xilligan dhacaya waxaa muuqata in wadankeenu uu weli kusii socdo mugdigii laga dhaxlay qaran jabkii 91dii.
Waxaa la gudboon dowladda dhexe iyo maamullada gobolladda?
Dowlada dhexe waxaa laga rabaa inay samayso madal lagu dardar gelinayo dhowridda iyo ka shaqaynta arimaha xuquuqda aadaha iyo tacaddiyadda ka dhaca daafaha dalka, sidoo kale dowlad goboleedyadda waxaa waajib ka saaranyahay inay dhowraan oo xil iska saaraan arintaas aan kor kusoo xusnay.




Comments