Akhriso: Aabbe Gabadhiisa Siiyey Talo Cajiib ah

AABE IYO GABADHIIS

Beri beryaha ka mid ah ayaa gabar waxay usoo cabatay aabaheed iyadoo sheeganaysa in nolosheedu aad u adkaatay markii ay dhibaato xalisan mid kale ay la kulmayso. Waxay aabaheed u sheegtay inay wareertay noloshiina ku aadkaatay.

Aaabaheed oo ahaa cunto kariye ayaa subaxdii danbe u kaxaystay jikada wuxuuna soo qaatay saddex dheri ama digso oo wuxuu ku shubay mid walba biyo wuxuuna saaray dabka.

Markii ay saddexdii digsi soo kareen ayuu midkii kowaad wuxuu ku shubay baradho, kii labaadna wuxuu ku shubay ukun halka kii saddexaad uu ku shubay caleenta shaaha.

Markii saddexdii dheri si wacan u karsameen ayuu odeygii dherigii koowaad dabka kasoo dajiyey wuxuu dhahay fiiri aabe baradhadu way adkayd markii ay dabka gashay cabaarkii hore way is adkaysay balse markii danbe way adkaysan weyday weyna jilicday.

Odeygii haddana waxa uusoo qabtay ukuntii wuxuuna yiri aabe bal fiiri ukuntu markii hore wey jilicsanayd balse markii ay xaaladi la soo deristey waa adkaatay waxayna iska difaacday xaaladii la soo daristey.

Odeygii ayaa haddana waxa uusoo dherigii ka shubay shaah waxa uuna yiri bal u fiirso aabe calaanta markii xaaladi lasoo gudboonaatey waxay isku dayday inay dhibaatadii bedesho oo ay kasoo saaarto wax cusub.

Saddexdaa cunto midba si ayuu ula falgalay marka ay soo food saartay xaalad culeys ah balse gabadheydiyey adigu midkee ayaad tahay?

Marka dhibaato timaado ma waxaad noqon mid debecsan sida baradhada mid qalbi adag sida ukunta mise mid is bedela oo xaalada isku daya inuu bedelo?

Aabe ogow farxadu ma ahan wax la helo ee waa wax la samaysto.

Isku dube ride 

Abdi Mallow

Comments