Gaas Waxbuu soo Gaaray ee Wax kama Tegin!


Dad badan ayaa ku oranaya madaxweyne gaas waa madaxweynaha ugu waxqabad fiican ee soo maray Puntland iyagoo u bixiyey magacyo badan sida dal dhis, Cabdikhadar iyo magacyo kale oo qurux iyo macaani isku darsaday. 

Runtaase waxay tahay madaxweyne Gaas wuxuu helay fursad qaali ah oo uusan helin madaxweyne ka horeeyey isaga oo dhaxlay degaan dhisan kala danbayni ka socoto isla markaana ay ka jirto haykal dowladeed oo dhamaystiran. Dhaxalkaas waxaa u dheeraa inuu noqday madaxweyne waqtigiisa ku qaata xarig jarka mashaariic kasoo hartay dowladihii ka sii horeeyey. 

Dad badan ayaa waxay aaminsanyihiin in Gaas uu yahay madaxweyne nasiib u yeeshay inuu dhaxlo degaankaas aan kor kusoo xusnay balse ku ciyaaray oo qar ka tuuray wixii 15 sanno lasoo dhisayey. Iyadoo xaaladu gaarto in degaanadii Puntland qaybo badan lala wareego intii uu xilka hayey, in sicirkii kor u kacay iyo in amnigii guduhu khalkhal badan galay iyadoo booliskii ay noqdeen howl gab. 

Haddaba anigu waxaan is weydiiyaa maxaa laga dhaxli doonaa mudane Gaas oo berito lasoo xusuusan doonaa? ninka meesha ka bedeli doonase ma khaladaadkiisii hore ayuu saxi doonaa mise dalka ayuu wax u qaban doonaa. 

Comments