Puntland Gaari Waa ayey Ku Scotaa.

Haddii dhulka nabad ka dhalato, dadkoo dhana xamar u dhoofaan, Puntlandna aan loo samayn dhabihii ay ku sii jiri lahayd maxaa diidaya in gaari waa ay noqoto.

Haddii dhaawaca birtu goyso, kii kasoo bax qaba iyo kii biixi jabto intaba xamar loola babanayo aysana jirin dhabo muuqda oo looga baxsanayo maxaa diidaya in Puntland gaari waa noqoto.

Haddii ciidankii dayacanyahay, kii caqli lahaana la cayrsho, madaxdeenuna ay ka fekerto caynkooda hoostiisa wado cad oo looga baxayana aysan jirin maxaa diidaya inay Puntlan gaari waa noqoto.

Haddii 20 sanno lagu taamayey xisbiyo badan, afar sanoo kastana xafiiska reer xiranayo welina aysan muuqan ififaale looga baxayo, maxaa diidaya in Puntland ay gaari waa noqoto.

Haddii musuqii baaxad yeeshay, mashruuc kastana la diiranayo, maalkii dadkana la laastay welina aysan muuqan meel qoyani maxaa diidaya in Puntland ay gaari waa noqoto.

Haddii maalin kasta galinka hore aynu musharax u mashxaradno gelinka danbana aynu habaarayno, nidaam iyo farsamo ka duwana aysan muuqan maxaa diidaya in Puntland ay gaari waa noqoto.

Haddii oday qabiil arintii faraha kula jiro, kan dadka ugu liitana beel walba soo xulayso, si uu qaylada iyo qayilka meel ula helo, haddii aysan jirin sharci reebaya tuug iyo daalinka loona sacab tumayo maxaa diidaya in Puntland ay gaari waa noqoto.

Puntland waagii la oran jiray gaari waana dadkeedaa ka dhigay haddana dad uma soo socdaan ee ummad yahay jawaabta aad ii haysaan iila soo degdega.

Gaari waa inaan nahay meelba ma gaarno.

#Abdimallow
#HelpPuntland
#YouthForChange

Comments